By: Riwaan Haji //  Apr 04 2011 at 9:54 am //  3,064 Reads  // Uncategorized

Gabar Soomaaliya oo sheegtay in la daroogeeyay, kadib la kufsaday islamarkaana sawiradeeda lagu wareejiyay Internetka iyo Taleefanada Gacanta

  • Share
  • Comments
  • Print Print



Maalmahan waxaa kusoo badanayay inta badan warbaahinta gudaha magaalooyinka Mataanaha ah Ee Minneapolis iyo St. Paul gabar Soomaaliya oo kasoo muuqanaysay shaashadaha caalamka taasi oo uu xadgudub aad u weyn ku sameeyay nin Soomaaaliya oo markii dambe sida la xaqiijiyay la xirey.

Gabadhaan oo kasoo muuqatay shaashadaha qaar kamida dalka mareykanka isla markaana muuqaalkeeda oo wajiga u duuban lasoo galiyay Bogga You Tube-ka ayaa sheegtay inuu ninkaasi oo Soomaaliya daroogeeyay kadibna uu sidaasi ku kufsaday amaba uu ku faro xumeeyay, taasoo markii dambana dhalisay in Kiiskani ay maxakamad ku taalla Gobolka Minnesota faraha la soo gashay.

Gabadha ayaa warbaahinta u sheegtay iney arintani go’aansatay iney u sheegta gabadhaha Soomaaliyeed ee la ayniga ah amaba la da’aada ah, kadibna ku eedaysay inuu Jaceyl been ah ku abuuray, kadiba ay isu raaceen meelo gaar ah maadama uu wada sheekaysi kala dhaxeeyay.

Gabadha oo ku hadalysa luuqada afka ingiriisga ayaa sheegtay iney mar ay meel gaara isu raaceen iyada iyo wiilkaasi ay dhacday inuu Juicekii amaba cabitaankii gabadha ugu daro Daroogo kadinba u ku xadgudbo gabarnimadeeda sida inuu sawiro qaaqaawan ka qaado iyo inuu Video ka sameeyay, muddo kadibna u xaqiijiyay inuu ka hayo Video iyo sawiro muujinaya iyadoo qaawan, kadibna ay dhacday inuu ku khasbo in gabadha ay u sameyso wax waliba oo uu ka codsado, waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Si kastaba ha ahaatee gabadha ayaa sheegtay in suuqa 24ka ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota uu wiilku bilaabay inuu sawiradii gabadhaasi uu ka qaaday uu markaasi si aanan sharci ahayn uga iibiyo shan shan doolar kadibna qofkii bixiya shantaasi doolar loo diro sawirada gabadhaas oo qaaqaawan, kadibna waxay sawiradani iyo qaar kamida muuqaaladii gabdhaasi uu wiilka Soomaaliga ahi ka smeeyay ku soo duxeen bogaga isku xirka bulshda sida Facebook iyo qaar kaloo badan, waxayna gabadha ku dooday in saddex arimood oo aanan dhaqanka wanaagsan iyo diinta islaamka raali aysan ka ahayn lagu sameeyay sida in Markii hore la daroogeeyay, kadibna la kufsaday maba la fara xumeeyay iyadoo kadibna loogu hanjabay in sawiradeeda oo qaaqaawan la faafiyay oo lagu gadtay lacago gaaraya ilaa iyo 5 doolar.

Dhinaca kale Soomaalida Minnesota ku dhaqan oo arintani maalmahani aad u hadal hayay ayaa iyana qaar badan oo kamida waxay ku doodayaan in Gabdhani ay marka hore ninku iyada la saaxiibtay oo uu ahaa Boy Friendkeeda amaba saaxiibkeed kadibna ay arintii markay wada sameeyeen ay dib kala xumaatay, waxaana ay arintu noqotay mid dhaawac weyn u gaysata sharafta gabadha, tan Soomaalida iyo waliba tan jiritaanka dadnimada bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka ku Dhaqan.

HALKAAN KA DAAWO GABADHA OO KA SHEEKAYNAYSA WAXA KU DHACAY


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments