By: Ladan //  Mar 29 2011 at 2:10 pm //  341 Reads  // Uncategorized

War Deg Deg Ah: Taliyayaasha Ciidamada Xooga Dalka iyo Boliiska oo goordhow lamagacaabay.

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku qaateen Golaha Wasiirada Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyayaasha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya iyo Boliiska Dowladda KMG.

Kulanka maanta ee Golaha Wasiiirada ayaa qaatay sacaado badan, waxaana markii dambe la shaaciyey in taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya loo magacaabay C/qaadir Sheekh Cali Diini oo sargaal sare ka ahaa Dowladda Maxamed Siyaad Bare islamarkaana ay heyb wadaag yihiin Ra’iisul Wasaare Farmaajo.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Boliiska Dowladda KMG ayaa isna maanta waxaa ay Golaha Wasiirada u magacaabeen Gen. Shariif Sheekhuna Maye.

Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Labo taliye oo kaliyah, waxaana harsan Taliyayaasha nabad Sugida iyo midka Asluubta oo iyana ka mid ahaa taliyayaasha xil kaqaadista dhowaan uu ku sameeyey Madaxweynaha Shariif hasa ahatee lama sheegin goorta la magacaabayo iyo sababta dib loogu dhigay.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments