Gabar Soomaaliyeed oo qiyaano xanuun leh kala kulantay wiilkii ay ifka ugu jecleed “Qiso Xanuun Leh”
Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Liibaan iyo Maryan, Maryan ayaa xiriir lasoo sameysay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo ka hawl-galla Shabakadaha Caalamiga ah ee Radioxamar.com iyo Dhacdo.com, waxayna ay inooga warantay sidii ay wax u dhaceyn, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-
Waxaan ku dhashay magaaladda Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana kusoo barbaaray isla magaaladda Marka, iyadoo waxbarashadeeda aas aasiga ah aan kusoo qaatay magaaladda Marka.
Wiilka aan ifka ugu jeclaan doono ee Liibaan ayaa waxaanu isla degneed magaaladda Marka, balse waxaan iska baranay khadka teleefanka, waxaana khadka teleefanka ka wada sheekeysan jirnay muddo seddex bilood ah, seddexdaasi bilood ayaa waxaa dhacday inaan Liibaan u qaado dareen xoogan, weliba aniga oo aan arkin ayaan waxaan dhihi karaa Liibaan si weyn ayuu ii dhex qaaday.
Seddex bilood kadib ayaa wuxuu Liibaan uu igu baaqay inaan kulano, aniga taasi waan soo dhaweeyay, maxaa yeelay waxaan u haayay dareen culus, maalin uun waan sugaayay inaan Liibaan la-kulmo, nasiib wanaag markaan Liibaan arkay sida uu u hadlaayo, sida uu ila kaftamaayo iyo quruxda uu ALLE ugu deeqay ayaa waxaa igu sii kordhay jaceylkii aan u qabay.
Liibaan waxaan isku noqonay laba ruux oo isjecel, waxaan noqonay laba ruux oo ay iskugu baxdo, waxaan sidoo kale aan Liibaan u sheegan jiray wax kasta oo kusoo kororta nolosheeda, isagana wuxuu ahaa nin igu qanacsan.
Sidoo Liibaan waxaan soo wada qaadanay waqti gaaban oo aad u mooddo in uu yahay waqtigii ugu farxadda badneed nolosheeda, waxaana dhihi karaa Liibaan waxaan ugu qanacsanaa si’aan caadi ahayn, wuxuuna ku banaanaa halyeey, laakiin arintu maxay isku badashay?
Waxaa dhacday maalin maal maha kamid ah ayaa waxaan wacay teleefankii gacanta ee Liibaan, hase yeeshee waxaa iga qabatay gabar, inta aan la-hadlin marka hore waan naxay, balse waxaan weydiiyay Liibaan, hase ahaatee waxay igu jawaabtay “Naaya Xishoon meysid miyaa, ragga xaasaska leh miyaa lasoo wacdaa, ninkaas waa nin xaasle ah, hadase waxaa loo-leeyahay Uur, ee maxaad ka rabtaa”
Gabadhii markii ay intaasi igu tiri ayaan qaracmay, waxaan bilaabay ooyin aan kala joogsi laheyn, waxaa igu dhacday qalbi jab, kalsooni daro, waxaana soo xaqiiqsaday in uu Liibaan lee-yahay xaas, balse markii hore muusan ii sheegin in uu xaas lee-yahay iyo in kale.
Markii ay niyad jab igu dhacday ayuu ila soo yaraaday adduunka oo dhan, waxaan dareemay nolol ka duwan tii markii hore ee aanu ku jirnay aniga iyo Liibaan, xanuunka uu Liibaan uu i baday ayaa waxay qalbigeegu ku reebtay arin lama ilaawaan ah.
Iyadoo ay xaaladdu sidaasi tahay ayaa wuxuu Liibaan uu ii sheegay inuu i jecel yahay balse uu iga gallay qalad, xaqiiqdii aniguba waan jeclahay, laakiin waxaa inagu dhex jirto waa xaaska uu qabo, wuxuuna Liibaan uu iga codsanaayaa inaan isku soo noqono.
Hadaba akhristayaasha sharafta leh ee ku taxan Shabakadda Caalamiga ah ee Dhacdo.com waxaan ka codsan lahaa in’ay igala soo taliyaan waxa aan ka yeelli lahaa Liibaan, oo aan jeclahay balse igu riday kalsooni daro, wuxuuna uu iminka uu doonaayaa inaan isku soo laabano, iskuna noqono sideenii hore.
Xasan Cadde
Tafaftiraha Dhacdo.com
Kuala Lumpur, Malaysia
laacib143@hotmail.com
|
|


Print
