Banadir City

 
 
Sheeq aba  Markacadeey  Xamar  Somalia Marka Albakri
Mothers Day Offers
Flowers have always been the favoured Mothers Day gift, along with a tasty box of chocolates! This year, we're offering a fantastic range of excellent value flowers, perfect for Mothers Day and complete with a box of luxurious, tasty Lily O'Brien chocolates!
Let her know how much you care with a beautiful Mothers Day bouquet from flowers direct!

 

 
 

QORAAL KOOBAN KA SHEEKEENAYA TAARIIKHDA BARAAWE IYO MAGALOOYINKA KALE BANAADIR ILLAA IYO XILLIGA ISTICMAARKA

Sida la wada ogsoon yahay, kalimadda "Banaadir" waxaa micnaheedu yahay dekedaha, kuwaasoo laga bilaabo Warshiiq, Muqdisho, Afgooye, Marka, Baraawe, Kismaayo, illaa iyo Chuula Chawaaye iyo tuulooyinka kale u dhexeeya ba, taariikhda qadiimka ah, ay astaan u ahaayeen gobollada xeebaha koonfureed ee Soomaaliya. Meelahaas waxaa kale jiri jireen xarummo maraakiibta ay ku xirtaan, sidoo kale goobo ganacsi iyo dhaqdhaqaaqyo kale ba.

Mar haddii ayna jirin warar sugan, kuna saabsan meelaha ay ka taagnaayeen goobaha ugu qaddiimsan ee ganacsiga maraakiibtaas, iyo doonyaha ba ku xiran jireen, kuwaasoo ka soo kicitimi jiray Masar, kuna hawlanaayeen beec-mushtar, waayaha loo yaqaan "Tolomei", waxaa la hubaa goortii la dhisay magaalooyinka Muqdisho iyo Baraawe. Sida xaqiiqda ah, badmaaxiinta Boortuqiiska ah, bilowga sannadaha 1500 miilaadiya (ama Ciisa ka dib), waxay soo ururiyeen akhbaarta ku saabsan dhismaha magaalooyinka Afrikada Bari. Warbixinnadaas waxay ka koobnaayeen wararka xarumahaas, siiba warbaahinta ayaamahaas loo yiqiin "Akhbaarta Kilwa", taasoo ahayd magaalo ku tiil Tansaaniyada Koonfureed, kana dhexeen jiray xiriir xoog leh Gobolka Banaadir.

Wararkaas waxay kale soo tebiyeen in 7 nin oo walaalo ah, asalkood na ahayd khaliijka Faaris, Gobolka Al-Axsa, waxay ka soo carareen dalkood rabshado siyaasadeed darted, waxayna nolol iyo degmo ka raadsadeen dhulalka Afrikada Bari, meeshaasoo marka dambe ay ka dhiseen magaalooyinka Muqdisho iyo Baraawe, sannadka markuu ahaa 920 milaadiya. Kuwaas waxaa kaloo ku xigay qolooyin kale ka soo qaxey dhulka Faaris (Shiraaz), isla ayaamahaas ah, waxay ayagana dhiseen magaalooyinka Mombasa iyo Pemba, iyagoo socdaalkood markaas sii fogaanayey, illaa ay ka gaaraan Jasiiradaha Qamar (ama Comore Islands).

Haddaba sheekooyinkaas haddii la raad raaco, qaarkood na ay yihiin khayaali ah (legends), qarkood kale na ay ku salees nayeen warar sugan ee qoran, waxaa noo if baxaya xaqaa’iq taariikhi ah. Magaalooyinka Banaadir waxay mar kasta ba ka ciyaari jireen door muhiim ah dhinaca ganacsiga Badweynta Hindya, markaad eegto dabeelaha hadba mar ka dhacayay dhica waqooyi ee dhulalka Carbeed, marka kale na dhinaca bari ee Hindya, dabeelahaasoo u fududeenayey socdaalka doonyaha shiraaca ku shaqeeya.

Middeeda kale, waxaa iyadana jirtay in Banaadir ay ku soo qulquli jireen waqtiyo kala duwan, qolooyin fara badan ee kala gooni ah, kana imaan jiray buldaamo aan yareen, siiba xagga dhulalka Carbeed, mar allaale markii waddamadood ay kala soo kulmi jireen dhibaatooyin nabad geliyadeed ama arrimo diinta ku saabsan.

Isla markaas na, Diinta Islaamka way faaftay, marka laga soo tego magaalooyinka xeebaha, waxayna ku faaftey degmooyinka iyo tuulooyinka hareeraha. Magaalada Baraawe waxaa qoraalladiis ku xusay aqoon yahanka carbeed ee cilmiga jugraafiga ah, la yiraahdo Al-Idrisi, qarniga 12aad. Calaamad muujineysa xaqaa’iqdaas cilmiga arkeyolojiyada waxay weli taal magaalada Baraawe; taasoo ah in qubuuraha qaarkood ee muslimiinta meesha ku aasan laga helay dhagax ku qoran hadallo ku taariikhsan sannadka 505 Hijriya ama qarniga 12aad Milaadiya (Ciisa ka dib).

Astaan kale muujinaya qoraallada qadiimka ah waxaa xusay aqoon yahanka cilmiga taariikhda ee taliyaaniga lana yiraahdo Cerulli, kasoo ku taariikhsan, waa cajiib, sannadka markuu ahaa 498 Hijriya, ama 1104 Miilaadiya. Haddaba calaamaddaas waa midda ugu qaddiim san Afrikada Bari idil ahaanteed.

Ayaan darro, ma jirto taariikh qoraal ah xaddideysa si cad ah horumarka magaalooyinka Banaadir qarniyada xigtay, hase yeeshee, muddadaas gudaheed (1100-1400) waxaa shaki la’aan ah meesha ka dhacday is-dhexgalid (integration) oo is daba joog ah dadka meesha deggan (indigenous population) iyo kuwa dhulal kale ka soo qaxay, taasoo kaalin weyn ka ciyartey horumarinta beec-mushtarka magaalooyinka xeebaha dhexdood, sidoo kale ganacsiga guud, oo lala yeesho dalalka carabta iyo weliba Hindya.

Sannadka markuu ahaa 1332, ninkii carbeed ee socdaallada badnaa, lana oran jiray Ibn Batuta, mar u soo booqday magaalada Muqdisho, wuxuu ka sheegay inay ahayd meel aad u qorox badan, nolol barwaaqo iyo ladnaan ba leh.

Haddii la rabo warbixin buuxda ka hadleysa magaalada Baraawe, waa in la raad raacaa qoraallada Shiinaha. Sida la hubo, bilowga sanadaha 1400, cutubyo maraakiib ah waxay soo booqan jireen kana ganacsan jireen xeebaha Afrikada Bari, kuna xiran jireen dekedaha Muqdisho iyo Baraawe, kuna xusan qoraalladood magacyaha Maka-tichu iyo Pu-lawa.

Sida ay musaafiriinta shiinaha soo tebiyeen, magaalada Baraawe waxay hareeraheed oo dhan ka dhisnaayeen darbiyo dhagax ah, guryaha na badankood waxay ahaayeen kuwo dhagax ka dhisan. Ilaha dhaqaalaha (economic resources) na waxay ku saleesnaayeen badda iyo malaygaadka. Naagaha na waxay xiran jireen silsilado iyo dhego dahab ah; bannaanka na markay maraan, madaxa iyo wejiga ba way dedi jireen. Waxyaalaha lagu ganacsan jiray waxaa ka mid ahaa hargaha shabeellada iyo libaaxyada, luubaanta, cambarka nooca ghaaliga ah ee midabka dambaska leh iyo goroyo. Shiinaha na waxay keeni jireen dharka xariir, maacuunka loo yaqaan siin, filfil madowga, bariis iyo midabbada dharka lagu renjiyo. Sannadaha 1416 iyo 1423 magaalada Baraawe waxay Shiinaha u dirtay badeeco affar goor, iyadoo reer Baraawe qaarkood u safri jireen dalka Shiinaha laftiisa, ayagoo raacaya maraakiibta qoladaas, ka dib na ku soo laaban jiray Afrika, safarrada dambe ee maraakiibtaas.

Qarniga 15aad wuxuu ahaa midka ugu fiican uguna faa’ida badan magaalooyinka Banaadir, sababtoo ah inay ku noolaayeen nolol barwaaqo leh, kuna dhisneyd horumar dhaqaale, nabadgeliyo iyo xasillooni guud, taaso caawise xoojinta dhaqdaqaaqa ganacsiga iyo calaaqaat adduun weyne. Magaala kasto xagga siyaasadda way iska madax banaaneed, sida waayahaan dambe loo yaqaan (city-state), haddana waxaa ka dhaxeeyay xiriir xoog leh xagga dhaqaalaha iyo dhaqanka ba. Middaas waxaa kale caawinayey soohdimo la’aanta ama xudduud aan jirin, iyo beec-mushtarka guud, kaasoo ahaan jiray mid badaha lagaga shaqeeyo.

Xaaladdaas wada noolaanshaha deggan, mar bay la’day, ka dib markii uu Boortoqiiska soo galey Badweynta Hindiya, bilowga sanadaha 1500. Waxyaalaha ay ku kaceen waxaa ka mid ahaa in magaalooyinkaas ay ku qasbeen inay cashuur dhiibaan iyo in markab kasto uu bixiyo lacag ah shati khaas ah, kaasoo loogu fasaxayo inuu ka dhex shaqeeyo goobahaas, markii ay fulinaayeen hawlaha ganacsiga. Markabka aan wadan shatigaas, isla markii waa lala wareegi jiray, macal xamuulkiis. Boortoqiiska markay nidaamkan hirgeliyeen, waxaa baaba’ey guud ahaan nidaam hawleedka ganacsi meesha ka taagnaa, si wacan na ka socday muddo boqollaal sano.

Sannadka markuu ahaa 1506 Boortoqiisku waxay soo hujuumeen si toos ah magaalada Baraawe, markay meesha ku dejiyeen 1000 dabley iyo qalabkooda dagaal. Reer Baraawe, oo dadka baadiyada deggan gacan u geestay, way iska dhiciyeen si geesinimo ah; dagaalkuna wuxuu guriyaha mid mid ka dhacaayey saddex maalmood isku xigta, illaa iyo markii laga xoog badiyay lagana adkaaday, mar haddii cadowga ku isticmaalayey qoryo iyo hubka culus loo yaqaan "cannone". Dagaalkaas waxaa lagu dilay illaa 1500 qofood oo reer baraawa ah, naagaha na waxay ka gooyeen gacnaha, taasoo u fududeesay inay ka xoogaan dahab markaas u xirnaa. Qafaalka ay qafaasheen dagaalkaas ka dib, wuu fara badnaa, waxaana ka mid ahaa xariir, ambar iyo fool maroodi.

Dhacdooyinkaas ka dib, Boortoqiiska waxay u dhaqaaqeen iyo maraakiibtood ba dhinaca waqooyi, ayagoo ay ka damacsanaayeen inay soo hujuumaan isla tabtaas magaalada Muqdisho. In kastoo Muqdisho ay si xoog leh ku duqeeyeen maraakiibtood, haddana ciidan meeshaas kuma ay soo dejin si ay u qabsadaan. Markaas waxay aheyd bisha Abriile, Boortoqiisku na waxay ka baqayeen dabeelaha ka dhaca dhinaca badda inay is beddelaan, sidaa darted isla markaas waxay u kicitimeen xagga Indya, goobtaas na waxay ku hakadeen muddo gaaban keliya.

Sida loo jeedo, haddii la tix raaco sheekooyinkaan, ay soo qoreen Boortoqiisku laftood, waxaa noo baxaya in waxyaalaha dadka qaarkood aan taariikhda dersin ay iska maleenayeen, inay san sal iyo raad toona laheyn, maladaasoo ah in reer Banaadir, siiba reer Baraawe, inay iska dhaleen iyaga iyo Boortoqiiska, qaarkood na wataan dhiigga dadkaas mustacmirka. Bil caks, Boortoqiisku marna kuma dhicin inay Baraawe ka soo tegaan si joogto ah ragga ka tirsanaa ciidanka, ama dad dejinta loogu tala galay ama ragga diintood ka tirsan (Priests), mar hadday ogaadeen in dadka reer Banaadir, guud ahaantood ay lid ku ahaayeen isticmaarkood.

Sidoo kale, waxaa ayadana xaqiiqad ku saleesneyn wararka sheegaya in Boortuqiisku ay ka tageen dhismooyin ay leeyihiin magalooyinka Banaadir. Taallada la yiraahdo "Mnara" kuna tal dhinaca koonfureed magaalada Baraawe, taasoo beryahi hore loo maleen jiray inay tahay minaarad ifka bixineysa lahaan jiray na Boortuqiiska, waxay runtii ahayd dhismo ay meesha ka taageen reer Baraawe. Laga bilaabo sannadka 1866, musaafir jarmal ah waxaa ishiisa qabatay far carbeed dhinaca gelidda Mnara; fartaas na waxay caddeyneesaa in "Mnara " dib u habeyn lagu sameeyey, waxaana shaqadaas fuliyey Sheikh Ibrahim bin Rashid, bisha Rabi’ul Aakhir 1140 Hijriya, qarniga 17aad Ciisa ka dib.

Xukunka Boortuqiiska uu ku amar taagleenayey meelaha xeebaha Afrikada Bari, wuxuu itaalkiisa yaraadey si is daba joog ah, laga bilaabo sannadka 1600 barkiis, wuxuuna si buuxda u dhammadey sannadka 1750. Hoos u dhacaas wuxuu astaan u noqday dib u nooleyn xarakada dhaqaalaha magaalooyinka xeebaha, in kastoo ay marna soo celin kari waayeen ladnaashada iyo bash-bash iyo baraare ay horey ku noolaan jireen, muddada loo yaqaan Waqtiyada dhexe ama"Middle age"ka.

Sannadka markuu ahaa 1848, musaafir faransiis ah la dhihi jiray Guillain wuxuu soo booqday Baraawe, wuxuuna ka soo qoray warbixin tifaftiran magaaladaas, dadka deggan iyo dhaqaalahood ba.

Odeyaasha beledkaas joogay, mar oo wada hadallo la yeeshay si toos ah, waxay u caddeeyeen in Baraawe maamulkeed uu ahaa is-xukunka nooca jamhuuriyadeed, taasoo u wacan in go’aannada oo idil lagu gaarayey nidaam ijmaalii ah, ama "collective decision making", Middaas micnaheed waxay aheyd shanta qolo ee Tunnida ah, Biidda iyo Xaatimi ay si wada jir ah ku heshiin jireen arrin kasto. Haddaba noocaan khaaska ah hawlaha maamuleed iyo kuwa siyaasadeed ba waxay magaalada Baraawe u noqotay astaan lagu tilmaami jiray si joogto ah, sida xittaa ay ka muuqato kharaa’itka qaarkood ooy ku qornaan jirtay "Jamhuuriyadda Baraawe".

Ayaamaha Guillain booqanayey Baraawe, magaalada hareeraheed weli kama dhisneyn darbiyada labada dhinac: badda iyo bariga. Darbiyadaas waxaa la dhisay sannadka markuu ahaa 1875, waxaana hawshaas fuliyey Suldaanka Zanjibaar, lana yiraahdo Barghash bin Said. Guillain wuxuu kale soo xusay afka markaas Baraawe lagu hadlaayey, ahna "Chimbalazi".

Dhinaca dhaqaalaha, ninka fransiiska wuxuu markaas soo arkay dhaqdhaqaaqa ganacsiga badda inuu si xoogle u socday, maraakiib fara badan na, ka socday dhulalka Ingiriiska iyo Mareekanka, ay ku xirnaayeen dekedda Baraawe. Mid ka mid ah maraakiibtaas wuxuu markaas sidey xoolo nool (lo’), loo waday Jasiiradda Mauritius. Maraakiib kale waxay ka dhex shaqeenaayeen magaalooyinka Zanzibar iyo Cadan. Mareekanka iyo Ingiriiska waxay meesha ka ibsan jireen beeyo, hargo, fool maroodi iyo maaddo la yiraahdo Xabak (mirrah). Badeecaddaas waxay ku bixin jireen qalin, ama dharka suufka.

Baraawe waxaa kale ku soo qulquli jiray geeddiga socdaalka ka iman jirey gudaha, ayagoo soo maraya baadiyada, kana soo amba bixi jiray Luuq iyo meelaha kale wabiga Jubba. Sidoo kale dad soomaali ah waxay iman jireen Baraawe, ayagoo sida muntajaadkood, ama wax soo saarkood, ka koobnaayeen luubaanta iyo Mariid ama "Wabaayo", sunta la mariyo fallaarada.

Baadiyada ku hareersan Baraawe, meel u jirtey 2 km magaalada, waxaa ka jiri jirtay bannaano waaweyn oo mashaariic beeraha loogu tala galay. Waxaana dhulalkaas lagu waraabinayey biyo lagu keydin jiray biyo-mareenno iyaga iskood u sameystay, lagu magacaabi jiray Webi Gofka (artificial water reservoires). Reer Baraawe meelahaas waxay ku lahaan jireen beero balballaaran, waxayna ku abuuri jireen galley iyo qamadi (cereals) fara badan, illaa ay qaarkeed ka dhoofiyaan dibadaha.

Musaafirka faransiiska Guillain wuxuu kale qoraalladiisa ku xusay 14 magac, ayna ahaayeen masaajidyada Baraawe ku yiil, ayadoo weliba uu sheegay in masjidka ugu weyn uguna caansan uu ahaa midka Jaamica.

Warar kale waxaan ku haynaa in sannadka 1800 barkiis, magaalada Baraawe ay ku caan baxday inay tahay Gole Hiddo iyo Dhaqanka Islaameed. Suldaanka la dhihi jirey Sayyid Saciid wuxuu marti qaad u fidiyey caalimka arrimaha diinta reer Baraawe, la dhihi jiray Sheekh Mohieddin bin Sheekh Cabdalla al Qaxtaani (noolaa 1790 illaa 1869) inuu si joogto ah dego Zanzibar, si uu u qabto jagada Qaalliga Dalkaas. Diintaa la qiimeynayaa.

Haddaan gaba gabeenno warbixintan taariikheed, waxaa si kooban ah lagu caddeyn karaa in magaalooyinka qaarkood ee Dhulka Banaadir la yiraahdo, inay guud ahaan:

  1. Ay jiri jireen kun sano iyo ka badan ba horteed;
  2. Muddada magaalooyinkaas jireen, ay ka gaareen horumar weyn xagga ilbaxnimo iyo dhaqanka Diinta Islaamka;
  3. Weligeed na si furfuran ay is dhex geli jireen dhulalka kale dibadaha, waxna is dhaafsin jireen, ayadoo la lahaan jirtay xiriir dhaqaale, arrimaha bulshada iyo kuwa hiddaha iyo dhaqanka ba, siiba buldaamanka Badweynta Hindiya, dhulalka Carabta iyo guud ahaan Afrikada Bari;
  4. Dadka Magaalooyinkaas degganaa na waxay weligood ku dhaqmi jireen, caado na ka dhigteen, inay martida ama qofka ajnabiga ah, qolo kasto ha ka tirsanaadee, ixtiraamaan iyo inay si nabadgeliyo ah ku wada noolaadaan.

War iyo dhammaadkiis, haddii taasu taariikhdu ahayd, mahaa haddaba maanta Dadka Reer Banaadir dhamaantood la gudboon , ama xil ka saaran inay ka kor maraan hunnu hunnuda, kala qeybsanaanta iyo fitnada dhex taal, ahna mid cadowgood dhex abuuray?! Annaga waxay nala tahay in dhibaatooyinkaas lagu daween karo amuuraha soo socda:

  1. Axsaabta ciiddaas ka badan qolo walbo, isla Reer Banaadir ah, iskeed u sameesatay, ama xukun jeceel ha noqoto, maslax shakhsi ah na laga hormariyo tan guud ah, ama keli u goosad, ay ka dambeyso arrimo mugdi ku jira, kuwaasoo laga yaabo inay cilmi iyo macno ku dhisneyn, inay iska daayaan kana tanaasulaan khilaafaadkaas, si daa’cad nimo ah. Ha la isku tago Urur midaysan, oo si mukhlis nimo ah ka shaqeeya mid-nimada, danaha runta ah iyo ayaahood dambe, mabda’a na noqdo: Reer Banaadir waa Hal, Qadiyaddooda na waa Hal, Dhulkoodna ee Banaadir Waa Hal;
  2. In Reer Banaadir ay abuuraan Sunduuq caalami, ka dhaxeeyo Reer Banaadir, meel kasto adduunka ha ka joogaan, laguna dhigayo dhagaxa asaaska ama saldhig dhaqaale, oo qoys walba ka qeyb gala, una quura, markay ugu yartahay, bishii ba dhowr shilimaad, kaasoo ku abuuri doono ruux walba dareen tadhxiyadeed (spirit of sacrifice). Sida la ogsoonyahay, dad baa naftood u hura dalkood ama qadiyaddood. Ma ka duubannahay?
  3. In saldhig adag tacliimeyd, siiba ubadkeenna iyo dhallin yarada ba, aan ku han weennahay, inay berrito noqon doonaan Halyeyada Dalkood iyo Dadkood ba, inay wataan hubka wax tarka leh ee cilmiga, aqoonta iyo xikmada, taasoo la hubo inay ku gaari kaaraan danaha iyo masaalixda guud dhulkood.

 

Hit Counters

Contact us at: Contact Us

Copyright © 2006 MarkaCadey.Net All Rights Reserved