Home Contact Us    

 

IBNU KATHIIR IMAAM SHAAFICI: MAGACIISA

 
Imaam Abul-Fidaa Cimaadu-diin Ismaaciil ibnu *****ar ibnu Kathiir Alqurashi
Asal ahaan waa reer Busra , waxuu kusoo barbaaray kuna soo waxbartay Dimishiq .
 
DHALASHADIISA
 
Wuxuu ku dhashay tuulada Mijdal oo ka tirsan magaalada Busra sannadkii  (701 H) –(1302 M) , aabihiisa waxuu ahaa khatiibka tuulada , wuxuuna geeriyooday asiga oo shan jira ah , waxaa soo koriyay oo barbaarintiisa lawareegay walaalkiisa Sheekh Cabdulwahaab .
Kadib waxey usoo guureen magaalada Dimishiq sannadka markuu ahaa (706 H) waxey markaas da’diisa aheyd shan jir.
 
WAXBARASHADIISA
 
Wuxuu Fiqhiga kasoo bartay Sheekh Burhaanu-diin Ibraahiim ibnu Cabduraxmaan Alfazaari oo loo yaqaanay ibnu Farkaax oo geeriyooday sannadkii (729 H) .
Waxuu wax kasoo bartay Ciisa ibnu Matcam iyo Axmed ibnu Abii Taalib oo loo yaqaanay ibnu Shamah  oo reer Dimishiq ahaa wuxuu geeriyooday (730 H)
Ibnu Xijaar oo geeriyooday (730 H)  ,  Bahaa’u-diin Alqaasim ibnu Mudafar ibnu casaakir oo geeriyooday (723 H)  , Ibnu Shiiraazi  , Ibnu Isxaaq Yaxyaa Al-aamidi ( sheekhii madhabta daahiriyada ) Cafiifu-diin oo geeriyooday (725 H) , Muxamed ibnu Zaraad , Alsheekh Jamalu-diin Yuusuf ibnu Zaki Almiziyi oo geeriyooday (742 H) , muddo badan ayuu aktiisa wax kabaranaayi , waxbadan ayuu kasoo faaiiday gabadhiisana waa guursaday .
Sheikh Al-Islaam Taqiyu diin Axmed ibnu Cabdulxaliim ibnu Cabdulsalaam ibnu Taymiyah ,  Alsheekh Alxaafid Almuwariq Shamsu-diin Muxamed ibnu Axmed ibnu Cuthmaan ibnu Qeymaaz Aldahabi oo geeriyooday (748 H)
Abuu Muusa Alqaraafi ,Abu Alfatax Aldabuusi , Cali ibnu *****ar Alsawani iyo kuwo kale oo reer Masar ahaa ayuu wax kasoo dhageystay .
Alxaafid Aldahabi wuxuu kitaabkiisa ( Almucjam Almuqtas) ku sheegay inuu Alxaafid ibnu Kathiir ahaa Imaam Mufti Axaadiithta ku xeel dheer oo aqoor gaar u leh tafsiirka , wuxuuna leeyahay kutubo faaiido leh
Alxaafid ibnu Xajar Al-Casqalaani wuxuu kitaabkiisa ( Aldurar Alkaaminah) ku sheegay inuu Alxaafid ibnu Kathiir isku howlay Axaadiithta iyo culuunteedi  wuxuu ahaa nin fur furan oo aqoontiisa dheer leh , wuxuu ahaa inta uu noolaa qof aad loo jecelyahay kutubadiisa , markii uu dhintayna dadka in badan beey ka faaiideen kutubtiisa.
Taariikh yahaankii caanka ahaa ee la oran jiray Abul Maxaasin Jamaalu-diin Yuusuf Ibnu Seyfu diin oo laqaanay ibnu Thagri Bardi  waxuu kitaabkiisa (Almanhal Alsaafi Wal Mustowfa Bacdal Alwaafi )  ku sheegay inuu ahaa qof isku howlay waxbarasho  oo meel kagaaray waxna kaqoray , waxuu ku xeel dheeraday Fiqhiga , Tafsiirka iyo Tafsiirka , wuu uruuriyay wuuna alifay wuuna fatwooday ,  wuxuu aad ugu fogaaaday Axaadiithta Tafsiirka Fiqhiga iyo luqada Carabiga , waxaa lagu yaqaanay dhowrista , xaqiijinta iyo sugida
In muddo ah ayuu ku howlanaa waxbarida iyo fatwaha ilaa uu geeriyoodo Allah ha u naxriistee
 
ARDAYDIISA
 
Ardaydii Sheekha wax kasoo baratay aad beey u badnaayeen waxaana kamid ahaa Ibnu Xiji  ,  ibnu Alcimaad Alxambali
 
KUTUBADII UU ALIFAY
 
1-      Waxaa ugu caansan kutubada uu qoray kitaabka (Tafsiir AlQuraan Alkariim ) waa kitaabka ugu wanaagsan kutubada Tafsiirka xaga riwaayada , waxaana la daabacay dhowr jeer
2-      Kitaabka caanka ah ee Taariikhda (Albidaaya Wal Nihaaya )oo ka kooban 14 mujalad , kitaabka wuxuu kaga hadlay taariikhda ummadihii iyo Ambiyadii hore , Siirada Rasuulka scw  ,dhacdooyinkii dhacayay waqtigii uu noolaa iyo fitnada calaamadaha Saacada iyo Xaalada aaqiro oo uu ula jeeda (Alnihaaya) , waxaa la daabacay (Albidaaya ) kadiba hadana waxaa ladaabacay  (Alnihaaya) ,
3-      (Altakmiil fii Macrifat Althuqaat Wa ducafaa Wal Majaahiil)
4-      (Alhadyi Walsunan fii Axaadiith Almasaaniid Walsunan)
5-      (Tabaqaat Alshaaficiya)
6-      wuxuu soo saaray Axaadiithka (Adilat Altanbiih) fiqhiha shaaficiyada

 DHIMASHADIISA
 
Alxaafid Ibnu Xajar Alcasqalaani wuxuu sheegay inuu sheekhu  waqtiyadii ugu dambeysay ee noloshiisa  indho beelay , wuxuu ku geeriyooday magaalada Dimishiq sannadkii (774 H) oo ku aadaneyd (1373 M)
Allah ha naxriisto .

1-      Waxaa ugu caansan kutubada uu qoray kitaabka (Tafsiir AlQuraan Alkariim ) waa kitaabka ugu wanaagsan kutubada Tafsiirka xaga riwaayada , waxaana la daabacay dhowr jeer 2-      Kitaabka caanka ah ee Taariikhda (Albidaaya Wal Nihaaya )oo ka kooban 14 mujalad , kitaabka wuxuu kaga hadlay taariikhda ummadihii iyo Ambiyadii hore , Siirada Rasuulka scw  ,dhacdooyinkii dhacayay waqtigii uu noolaa iyo fitnada calaamadaha Saacada iyo Xaalada aaqiro oo uu ula jeeda (Alnihaaya) , waxaa la daabacay (Albidaaya ) kadiba hadana waxaa ladaabacay  (Alnihaaya) , 3-      (Altakmiil fii Macrifat Althuqaat Wa ducafaa Wal Majaahiil)4-      (Alhadyi Walsunan fii Axaadiith Almasaaniid Walsunan)5-      (Tabaqaat Alshaaficiya)6-      wuxuu soo saaray Axaadiithka (Adilat Altanbiih) fiqhiha shaaficiyada

   
IBNU SHEIKH MAXAMED ALTAYAN
 

 

 
 
 
 

Hit Counters

  Contact us at: Contact Us

Copyright © 2006 MarkaCadey.Net All Rights Reserved