Saxaabi kasta, taariikh nololeedkiisu wax
un buu caan ku ahaa. Matalan, waxaynu wada
ognahay in Saciib Binu Caamir Al-Jumaxi
(rc) uu caan ku ahaa
zuhdiga iyo in la naco
dhaldhalaalka adduunyada. Haddaba,
Cabullahi Binu Xudaafi Al-Sahmi
wuxuu isagu caan ku ahaa geesinnimo iyo in
aan loo jixin-jixin cadowga Alle. Diinta
Islaamka, waxay u suurto gelisay Cabdullahi
in uu la kulmo labadii boqor ee jiray
wakhtigaas ee kala ahaa Kisraa iyo
Qaysar oo kala xukumi jiray Faaris
iyo Ruum. Nasiib wanaag, Cabdullahi Binu
Xudaafa wuxuu nasiib u yeeshay inuu la
kulmo labadaas boqor.
Sheekada la xiriirta la kulankiisa uu la
kulmay boqorka Kisraa, waxay ahayd
sannadkii lixaad ee hijriyada, ka
dib markii uu go’aansaday Rasuulka (scw)
inuu u diro qaar ka mid ah asxaabta
boqorada cajamta (aan carabta ahayn), si ay
ugu yeeraan Diinta Islaamka. Rasuulka wuu
dareensanaa dhibaatada ay wadato howshan.
Waayo, Saxaabada loo dirayo magaalooyinkaas
waa dad aan aqoon luqadaha ay ku hadlaan
dadyowgaas, waa magaalooyin fog-fog, taasoo
ayan weligood arag. Saxaabadaa waxay dadkaa
iyo boqorradadoodaba ugu yeerayaan inay ka
tagaan diimaha ay heystaan, isla markaasna
ay qaataan diinta Islaamka. Waa safar wata
khatar. Waa safar kii safra aan soo noqon,
kii soo noqdana uu noqonayo mid nasiib
badan. Sidaa darteed, Rasuulka (scw) wuxuu
kulmiyay saxaabada, isagoo u jeediyay
khudbad. Ilaah ayuu ku mahadiyay,
dabadeedna wuxuu Saxaabada ku yiri "Waxaan
doonayaa inaan qaarkiin u diro boqorrada
cajam ee sidaa darteed ha i khilaafina,
sidii ay reer Banuu Isra’il ay u khilaafeen
Nebigooda Ciise (cs). Asxaabtii ayaa yiri "Rasuulkii
Alloow meeshaad doonto noo dir waan
fulinaynaa’e" Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu
magacaabay 6 qofood oo ka mid ah asxaabta
si ay diinta Islaamka u gaarsiiyaan
boqorrada Cajam iyo carbeed.
Lixdii qof ee la magacaabay waxaa ku jiray
Cabdullahi Binu Xudaafa Al-Sahmi, waxaana
loo doortay inuu gaarsiiyo dhambaalka
Rasuulka boqorka Kisraa. Cabdullahi wuxuu u
diyaar garoobay safarkiisii, isagoo
sagootiyay xaaskiisa iyo caruurtiisa, ka
dibna wuxuu u kicitimay safarkii. Waa
kelligii oo axad aan Ilaah ahayn lama socdo
wuu sii socday ilaa uu ka gaaray
magaalooyinka reer Faaris. Markii uu yimi
magaaladii uu deganaa boqorka Kisraa, wuxuu
weydiistay in uu u soo geli karo boqorka
isagoo weliba u sheegay ciidanka Kisraa in
uu sido dhambaal ama waraaq ku socoto
Kisraa. Boqorka Kisraa wuxuu u fasaxay inuu
u soo geli karo Cabdullaahi. Sidii ayuu ku
soo galay Cabdullahi Binu Xudaafa oo ay
weliba ka muuqato sharafta iyo cisada
Islaamka. Kisraa ayaa wuxuu u baaqay ama u
ishaaray nin ka mid ah ciidamadiisa inuu ka
soo qaado waraaqda uu sido. Hase ahaatee
wuu diiday Cabdullahi inuu dhiibo waraaqda,
wuxuuna yiri "Rasuulkii Alle ayaa wuxuu i
faray inaan gacanta kaa saaro waraaqda,
mana laga yaabo inaan khilaafo amarka
Rasuulka (scw)". Intaa ka dibna boqorka
Kisraa ayaa wuxuu ku yiri ninkii faraha ka
qaad ha ii soo dhowaado’e, ka dibna wuxuu
Cabdullahi u dhiibay Kisraa waraaqdii uu
uga siday Rasuulka (scw). Waxaa loo yeeray
tarjumaan Carabi ah ee ah reer "Xiyara" (magaalo
ku taalla Ciraaq).
Waraaqdii ayaa la furay, deedna waa la
aqriyay waxaana ku qornaa sida soo socota
"Magaca Alle ka dib, warqaddan
waxay ka socotaa Muxammad oo ah Rasuulkii
Alle, waxayna ku socotaa Kisraa ee ahaa
boqorkii Faaris, Nabad gelyo Allaha yeelo
ciddii raacda hanuunka". Markii uu
intaa maqlay Kisraa aad ayuu u carooday,
waraaqdiinna wuu ka dafay oo isla markiiba
wuu jeejeexay, isagoo aan ogaan waxa kalee
waraaqda ku xiran dhameystirkeeda, isla
markaana uu qalylinayo isagoo leh "Ma
sidatan ayuu waraaqda iigu soo qorayaa
waraaqda isagoo ah addoonkayga"
Binu xudaafa wuxuu ka dhaqaaqay fadhigii uu
Kisraa fadhiyay, isagoo aan garanayn waxa
lagu sameyn doono. In la dili doono iyo in
faraha laga qaadi doono. Hase ahaatee,
wuxuu Cabdullaahi naftiisa ku yiri "Waxba
igama gelin marba haddiiba aan gutay
amaanadii iyo dhambaalkii Rasuulka (scw) ee
uu ii soo dhiibay. Boqorkii Kisraa, markii
ay carada ka dentay ayaa wuxuu ciidamadiisa
amar ku siiyay in la soo qabto Cabdullaahi
Binu Xudaafa. Nasiib wanaag, ma ayan soo
helin oo waxay ogaadeen inuu gaaray
Jasiiradda Carabta. Cabdullaahi Binu
Xudaafa, wuxuu yimi magaaladii Madiina,
isagoo la kulmay Rasuulka (scw), wuxuuna
Rasuulka (scw) uga waramay wixii uu kala
kulmay boqorkii Kisraa iyo inuu jeejeexay
waraaqdii uu u siday. Rasuulka (scw) aad
ayuu uga carooday arrinkaa, wuxuuna Illaah
ka baryay inuu ciribtiro boqortooyada
Kisraa. Habaarkii Rasuulka (scw) waa la
aqbalay, oo wuxuu Illaah ku salliday (sababay)
Kisraa wilkiisa "Shiiraweeh", halkaas oo uu
ku dilay. Taasi waxay ahayd sheekadii
dhexmartay Cabdullaahi Binu Xudaafa iyo
boqorka Kisraa.
La kulankii C/llaahi ee Qaysar:
Haddaan u gudagalno sheekadii Cabdullaahi Binu Xudaafaee la xiriirtay
la kulankiisa boqorka Qaysar ee xukumay
Ruum. Waxay ahayd xilligii khilaafada *****ar
Binu Khaddaab (rc), sannadkii sagaal iyo
tobanaad ee Hijriga. Wuxuu *****ar Binu
Khaddaab (rc) diyaariyay ciidan la
dagaalanta ciidanka Roomaanka ee uu xukumay
boqorka Qaysar. Boqorka Qaysar wuxuu
ciidanskiisa amar ku siiyay in haddii ay ku
guuleystaan in ay soo qabtaan qof ka mid ah
ciidamada Muslimiinta ay u keenaan, ka hor
inta ayan dilin. Illaahay, wuxuu doonay in
la soo qabto Cabdullaahi binu Xudaafa,
waxaa loo keenay boqorka Qaysar, iyadoo
boqorka loo sheegay inuu C/llaahi Binu
Xudaafa ka mid yahay saxaabadii Nebiga (scw)
ee mar hore islaamay.
Boqorka Qaysar wuxuu si aad ah u
eegay Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu ku yiri
"Waxaan kuu bandhigayaa arrin". Cabdullaahi
ayaa ku iri "waa maxay!?". Boqorka Qaysar:
"In aad noqoto kirishtaan, haddii aad
yeesho faraha ayaan kaa qaadayaa oo ku dili
maayo, dhinaca kale waan ku wanaajinayaa".
Cabdullaahi Binu Xudaafa ayaa si geesinimo
ku jirta u yiri "Lagama yaabo! geerida ayaa
kun jeer ka jeclahay inaan kirishtaan noqdo".
Boqorka Qaysar ayaa haddana yiri "Haddii aad yeesho waxa aan kuugu
yeerayo ee galnimada ah waxaan qayb kaa
siinayaa boqortooyadayda". Cabdullaahi ayaa
muusooday isagoo weliba ku xir-xiran
silsilad, wuxuuna yiri "Wallaahi, haddii
aad iigu deeqdid dhammaan wixii hanti ah ee
aad leedahay, iyo waxa ay boqorrada carabta
haystaan oo maal ah si markaas diinta uga
laabto il-biriqsi ma aan sameeyeen".
Boqorkii ayaa wuxuu yiri "Haddaba, waan ku
dilayaa". Cabdullaahi ayaa yiri "waxaad
doonto samee". Intaa ka dib, boqorka Qaysar
wuxuu amar ciidamadiisa ku siiyay in la
daldalo Cabdullaahi, isagoo amar siiyay
nimankiisa wax toogta/shiisha, isagoo kula
hadlay afka laatiinka ee ay ku hadli jireen
Roomaanka, wuxuuna ku yiri toogta meel u
dhow labadiisa gacmood, laakiin isaga ha ku
dhufanina". Isla mar ahaantaana wuxuu u
bandhigayay inuu gaaloobo. Cabdullaahi,
haddana wuu diiday. Boqorka, ayaa haddana
yiri toogta meel u dhow labadiisa lugood.
Intaa ka dib, wuxuu boqorka amar ku bixiyay in laga soo dejiyo tiirkii
uu ku xirnaa, ka dibna wuxuu codsaday in
loo keeno dheri. Dherigii ayaa waxaa lagu
shubay saliid, dabadeedna dherigii ayaa
dabka la saaray ilaa ay saliiddii ka
karkarto. Wuxuu yiri boqorkii, ha la ii
keeno labo ka mid ah maxaabiistii
Muslimiinta. Midkood ayaa lagu riday
dherigii karkayay, wax yar ka dibna
hilibkiisa ayaa kala tagay oo cad-cad u
gogo’ay, lafihiisana way muuqdeen. Kii
kalena, sidaasoo kale ayaa lagu sameeyay.
Intaasoo dhan Cabdullaahi wuu arkayaa,
waxaana la doonayay inuu cabsado.
Boqorka Qaysar, ayaa wuxuu deymooday
Cabdullaahi isagoo ugu yeeray gaalnimo.
Hase ahaatee, Cabdullaahi sidii si ka sii
daran ayuu u diiday inuu ka laabto diinta
Islaamka. Markii uu boqorkii ka quustay
Cabdullaahi, ayaa wuxuu amar ku bixiyay in
isna lagu rido dherigii lagu riday
labadiisa saaxiib. Markii loo qaaday xaggii
dheriga ayaa Cabdullaahi ilmeeyay (ooyay).
Raggii Qaysar ayaa ku yiri boqorka "wuu
oonayaa". Boqorkii ayaa wuxuu u maleeyay
inuu cabsaday oo argagaxay, markaasuu yiri
igu soo celiya. Kolkii, Cabdullaahi la soo
istaajiyay boqorka hortiisa, ayaa wuxuu
boqorkii haddana u soo jeediyay
kiristaanimadii, laakiinse Cabdullaahi wuu
diiday. Boqorkii ayaa yiri, war haddaba
maxaa kaa oohiyay?. Cabdullaahi ayaa yiri,
waxaan naftaydii u sheegay in hadda
la igu tuuri doono dherigan oo aan hal jeer
shahiidoobayo, anna waxaana jeclaa in aan
lahaado inta jirkayga timo ku taallo oo naf
ah inaan lahaado, oo markaas lagu rido
dhammaantood dherigan. Wuxuu ka
wadaa inuu dhowr jeer shahiido.
Markuu boqorkii ka quustay Cabdullaahi,
ayaa wuxuu ku yiri cabdullaahi "Ma
doonaysaa inaad madaxa iga dhunkatid,
markaasna aan ku siidaayo?. Cabdullaahi
ayaa wuxuu yiri, ma siidaynaysaa
maxaabiista Muslimiintana. Boqorka ayaa
yiri "Haa, oo waan sii daynayaa dhammaan
maxaabiista muslimiinta". Cabdullaahi,
wuxuu naftiisa ku yiri maxay ku yeelaysaa
inaad dhunkato madax ka mid cadowga
Muslimiinta oo markaas aan ku badbaado
anniga iyo maxaabiista Muslimiinta.
Cabdullaahi, wuxuu u soo dhowaaday boqorkii,
ka dibna wuxuu dhunkaday madaxiisa.
Boqorkii ayaa soo daayay Cabdullaahi iyo
dhammaan maxaabiista Muslimiinta. Markii uu
Cabdullaahi u soo galay *****ar
Binu Khaddaab (rc), ayaa wuxuu uga
waramay wixii uu la kulmay. *****ar (rc)
aad iyo aad ayuu ugu farxay arrinkaas,
wuxuuna u jileecay maxaabiistii la socotay
isagoo ku yiri "Waxaa waajib ku ah qof
kasta oo Muslim ah inuu dhunkado madaxa
Cabdullaahi Binu Xudaafa, annigaana
bilaabaya. *****ar ayaa istaagay, ka dibna
wuxuu dhunkaday madaxa Cabdullaahi. Illaah
ha ka raalli noqdo Cabdullaahi, waayo wuxuu
ahaa tusaale looga deydo geesinimo.
|