 | Navigation |  |
 | Radio Somali |  |
 | Random media |  |




 | Somali Links 2008 |  |
|
| Haweeney ninkeeda dishay oo Maxkamad Mareykan ah ay ku xukuntay Xabsi daa’in. |
|
| AU says troops in Somalia need help, wants U.N. force |
| UNITED NATIONS (Reuters) - The African Union said on Wednesday it was incapable of stabilizing the situation in Somalia and urged the United Nations take over peacekeeping operations in the lawless Horn of Africa country. |
| Boqolaal qof oo maanta ka qeyb gashay Aaska Abwaan Cabdalla Nuuradiin Axmed (Daawo sawirada aaska) |
Alle ha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay Qabuuraha Sheekh Cali Cabdulle ee Duleedka Magaalada Muqdisho lagu aasay Abwaanka iyo Saxafiga Soomaaliyed Cabdalla Nuuradiin kaasoo shalay galab ku geeriyooday Xaafada Beexaani ee Degmada Shibis. (daawo sawirada Duugti marxumka) |
| Golaha Midnimada iyo dhaqanka Hawiye oo war Saxaafadeed ku canbaareeyay duqeymihii Itoobiyaanka ee Balad Weyne saaka ka geysteen. |
Warsaxaafadeed
Shir balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxaa looga hadlay waxyaabo farabadan oo ka jira dalka Soomaaliya waxayna soo saareen qodobo kala duwan. |
| Dawladda Itoobiya oo raadineysa sidii ay kula xiriiri laheyd Garabka Sheekh Shariif ee Isbaheysiga Xoreynta,iyadoo Mareykanku uu ku gacan siinayo tallaabadaasi. |
| Xukuumadda Itoobiya ayaa billowday baadi goobka kulamo iyo is arag ay la sameyneyso garabka Isbaheysiga Dib U Xoreynta ee dalka Jabuuti,kaasi oo ay u arkaan midka kaliya ee ay ka go'aan go'aanada kama danbeysta ah lagana yaabo in ay kula heshiiyaan arrimo fara badan oo Itoobiya ay Somaliya ku riixay in ay soo gasho. |
| Ina Shaaweeye oo beeshiisa ku baryay in aysan xilligan ku dhawaaqin in ay ka baxeen dawladda Federaalka,isagoo tagay dhismo kulan kaga socday Odayaasha dhaqanka ee Murusade. |
| Warar qarsoodi ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Gudoomiye kuxigeenka dhanka Amniga ee gobolka Banaadir C/Fitaax Max'ed Sabriye Shaaweeye uu dhawaan si baryo ah isku hortaagay go'aan kama danbeys ah oo odayaasha beeshiisa ay ka qaadan rabeen xukuumadda Federaalka Somaliya. |
| Meydadka gudoomiyihii deegaanka Leego iyo qof rayid ah oo saaka la arkay iyo howlgallo halkaasi ay ka wadaan Ciidamada dawladda. |
| Meydadka Gudoomiyihii deegaanka Leego Axmed Yuusuf Muumin iyo qof kale oo rayid ah ayaa saaka lagu arkay deegaankaasi iyadoona ay halkaasi howlgallo baaritaano ah ka bilaabeen ciidamada dawladda ee dhawaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya. |
| Duqeyn ba'an oo saaka ka socota magaalada Balad Weyne,iyo Ciidamada Itoobiyaanka oo gudaha usoo galay. |
| Wararka naga soo gaaraya magaalada Balad Weyne ayaa sheegaya in halkaasi saaka ay ciidamada Itoobiyaanka ay ka wadaan duqeymo ba'an oo ka dhan ah xoogaga hubeysan kadib markii saaka waabarigii ay ciidamada Itoobiyaanka gudaha usoo galeen magaalada Balad Weyne. |
| Filipinos aboard ship seized off Somalia: official 2 hours, 15 minutes ago |
| MANILA (AFP) - Twenty Filipinos were aboard a Japanese-owned freighter seized by pirates off the coast of Somalia at the weekend, the Philippines government said Wednesday. |
| WAA KUMA SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS ?? |
| Wuxuu ku dhashay baadiyaha Dhuuso- Mareeb oo ka tirsan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, sannadkii 1945 |
| Golaha odayaasha dhaqanka ayaa maantay ka jawaabay waraaqo diniin ahaa oo odayaasha dhaqanka looga digayay kulamada ay layeeshaan saraa kiisha ciidamada Ethopia ee ku sugan magaaladan B/weyne ee xaru |
| Golaha odayaasha dhaqanka ayaa maantay ka jawaabay waraaqo diniin ahaa oo odayaasha dhaqanka looga digayay kulamada ay layeeshaan saraa kiisha ciidamada Ethopia ee ku sugan magaaladan B/weyne ee xarunta G/kan Hiiraan |
| Inaalilaahi Wa inaa ILeeyhi Raajicuun: War Deg deg ah: Ustaad Cabdalla Nuuradiin oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho |
| Waxaa daqiiqado ka hor magaalada muqdisho ku geeriyooday allaha u naxariiste Ustaad Cabdalla Nuuradiin Axmed oo ku soo booday xanuun xaga wadnaha ah kadibna u geeriyooday . |
| Ina Caydiid waxaa uu u arkaa Magacaabista Xasan Daahir Aweys mid KMG ah. |
| Injineer Xuseen Max'ed Faarax Caydiid,oo mar wasiir kasoo noqday Somaliya haatana ah xubin katirsan Isbaheysiga Dib U Xoreynta garabka Asmara,ayaa sheegay in KMG ay tahay xilka gudoomiyenimo ee loo dhiibay Sheekh Xasan Daahir Aweys. |
| Sheekh Aweys''Aniga ayaa ah Gudoomiyaha Sharciga ah ee Isbaheysiga,raggii xilalka laga qaadayna way isaga tageen ulajeedooyinkii loo dhisay Isbaheysiga' |
| Wadaadka lagu sheego adadkaanta diinta ee Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku adkeystay isagu in uu yahay gudoomiyaha sharciga ah ee Isbaheysiga Dib U Xoreynta,isla markaana ay muteysteen xubnihii xilalka ay ka qaadeen in tallaabadaasi laga qaado. |
| Sheekh Shariif oo ku tilmaamay tallaabadii xilka looga qaaday mid aan waxba ka jirin,sheegayna Sheekh Xasan Dahir oo jooga isaga in xilkaasi loo dhiibay. |
| Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib U Xoreynta dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa gaashaanka u daruuray war xalay kaso baxay garabka Asmara ee Isbaheysigooda kaasi oo lagu sheegay isaga iyo Shariif Xasan in xilalkii looga qaaday. |
| Sheek Xasan Daahir Aweys oo lagu dhawaaqay in uu yahay Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib U Xoreynta dalka Somaliya. |
| Xubnaha Isbaheysiga ee garabka Asmara aaya ku dhawaaqay Sheekh Xasan Daahir Aweys in uu yahay gudoomiyaha sharciga ah ee Isbaheysiga Dib U Xoreynta si uu u badalo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hore xilkaasi u hayay. |
| Ilaalada labo mas’uul oo maamulka Gobolka Banaadir ka tirsan oo isku dhacay |
| Ilaalada labo mas’uul oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa isku dhex xoogan oo rasaas xoogan la isku adeegsadey uu dhex maray goor dhow. |
| Jabhadda Islaamiga oo ka Gows adaygtay Heshiiskii Jabuuti kuna Tilmaantay Shiqool ka dhan ah Waxiska caabinta. |
سم الله الرحمن الرحيم
Warsaxaafadeed ka soo baxay Jabhadda Islaamiga ah ee Soomaaliyeed (JABISO) oo ku aaddan Xaaladda TaaganJabhadda Islaamiga ah ee Soomaaliyeed ka dib markii ay daraasaysay waxyaabaha ka dhalan kara heshiiska jabuuti ee uu saxiixay dibna u ansixiyay garab ka mid ah isbahaysiga dib u xoraynta soomaaliya waxay ka qaadatay qodobaddan hoos ku qoran
|
| War deg deg ah: Rasaas Culus oo ka socoto deegaanka Sanaca iyo Ciidamada Dowladda oo Gudaha ugalay Suuqa Sanca degmada Yaaqshiid. |
Qasaara aad uculsu ayaa ka dhashay Rasaas ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku fureen Deegaanka Sanca degmada Yaaqshiid Magaalada Muqdisho.
|
| Maamulkii degmada Ufurow Gobalka Bay oo iscasilay Maalin kadib markii uu iscasilay Maamulkii Qansax Dheere. |
| Maamulkii degmnada Ufurow gobalka Bay iyo Golihii deegaanka ayaa maanta ku dhaqaaway in ay isaga tageen Shaqadii ay uhayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya xili Gobalada ay lawareegeen Xoogag Mucaaradka ah. |
| Magaalada Muqdisho oo wali ay kasii socdaan kulamo xasaasi ah oo ay leeyihin Xubnihii Isbaheysigii la dagaalanka Argagixisada oo dib isu abaabulaya. |
Mudo ka badan 3 todobaad ayaa magaalada Muqdisho waxaa shirar xasasi ah oo qarsoodi ah kaga soconaya xubnihii Isbaheysigi la dagaalanka Argagixisada iyo kuwa cusub oo kusoo biiray,iyadoona kulamada masuuliyiintaasi ay ku qotomaan xaaladda dalka iyo isbadalada imaan kara.
|
| Su'aalo la iska weydiinayo qaabka ay ku suuragali doonto Asmara oo looga dhawaaqo hogaano cusub oo Isbaheysiga Dib U Xoreynta uu yeesho. |
Waxaa soo noqonaya su'aalo la iska weydiinayo talaabada go'aanka ah oo ay ku gaareen garabka Asmara ee Isbaheysiga Dib U Xoreynta in ay dhawan kaga dhawaaqaan hogaan cusub oo uu yeesho Isbaheysigaasi xilli xubno badan oo kamid ah isbaheysiga ay joogaan Jabuuti.
|
| Mudane katirsan Golaha Baarlamanka oo gaalo ku tilmaamay xoogaga Al-Shabaab. |
| Mudane katirsan Golaha Baarlamanka Somaliya oo xalay fara cidi leh kaga baxsaday Weerar xoogaga Shabaabka ku beegsadeen hooyga mudanahaasi ee magaalada Baydhabo ayaa maanta weerar afka ah oo daran ku qaaday xoogagaasi isagoona ku sheegay iyagu in ay gaalo yihin sida uu hadalka u dhahay. |
| Max'ed Qanyare oo ku baaqay Maxkamad in lasoo taago dhowr xubnood oo Max'ed Dheere iyo Aadan Madoobe ay ku jiraan. |
Xildhibaan Max'ed Qanyare Afrax oo kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii awoodooda la wiiqay ee Muqdisho ayaa si cad u sheegay in ay tahay Maxkamad in lasoo taago masuuliyiin xilal kala duwan ka haya dawladda KMG ah ee Somaliya kuwaasi oo galay waxa uu ku sheegay ''Criminal Economy''.
|
| Ciidamada Maxkamadaha oo xakameyn gari waayay amaanka Jowhar,kuna soo rogay magaaladaasi bandow habeenkii ah. |
Iyadoo maalmihi ugu danbeeyay ay soo kordhayeen falalka dilalka ah oo qaarkood ay ku kacayeen maleeshiyaad hoostaga Maxaakimta islaamka ee ku sugan Jowhar aya xalay si rasmi ah magaaladaasi bandow loogu soo rogay.
|
| Gudoomiyaha Degmada Yaaqshid''Horta aan isla fahamno yaa shacab ah,nabad diidka marka la laayo ayay saxaafaddu tiraahdaa shacab ayaa la laayay''. |
| Gudoomiyaha maamulka degmada Yaaqshid oo xiriir aad u dhaw la leh madaxda Itoobiyaanka ee ku sugan degmada Yaaqshid ayaa gaashaanka ku dhuftay wax shacab ah oo shalay ku nafwaayay madaafiicdii ay tuurayeen Itoobiyaanka,xilli dadka dhintay ay ku jireen caruur dugsi quraan baraneysay oo madaafiicdu dishay. |
| Isbaheysiga Dib U Xoreynta Asmara oo Xilalka Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan ku kala wareejinaya Sheekh Xasan Daahir iyo Zakariye Xaaji. |
| Waxa ka soconaya maanta magaalada Asmara ee xaruntii Isbaheysiga Dib U Xoreynta dalka qaban qaabo ku aadan ku dhawaaqitaanka madax cusub oo uu yeelan doono Isbaheysiga Xoreynta kadib markii lagu soo eedeeyay hogaanka Isbaheysiga khiyaano iyo wax isdiba marin. |
| Abu Mansuur oo kashifay qorshe lagu weerarayo Suuqa Bakaaraha,kuna baaqay in ciidamada dawladda ee lagu soo tababaray Itoobiya loo galo jidka inta aysan gaarin Muqdisho. |
Afhayeenka Xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab Mukhtaar cali Abu Mansuur ayaa shaaciyay qorshe ay wado dawladda KMG ah ee Somaliya taasi oo ku aadan weerar lagu qaadayo Suuqa Bakaaraha,kaasi oo ay wadaan ciidanka dawladda ugu soo tababartay dalka Itoobiya.
|
| Colonel Cartan Cali Warsame oo noqday Sarkaalkii ugu horeeyay ee Booliska Xukuumadda Federaalka ka baxa si cadna ugu biira xoogaga kasoo horjeeda xukuumadda. |
| Colonel lagu magacaabo Cartan Cali Warsame oo ahaa xiririyihi gobollada ee ciidamada Booliska Somaliyeed lana soo shaqeeyay maamuladii dalka soo maray ayaa xalay ku dhawaaqay in uu ka joogsaday la shaqeynta dawladda,uuna ogaaday in dawladu u shaqeyso cadowga Umadda Somaliyeed sida uu yiri. |
| Aid workers fleeing Somalia over threats |
| NAIROBI: At a time of drought, skyrocketing food prices, crippling inflation and intensifying street fighting, many of the aid workers upon whom millions of Somalis depend for survival are fleeing their posts - or in some cases the country. |
| WAR DEG DEG AH:Dagaal madaafiic la isku adeegsanayo oo ka qarxay magaalada Muqdisho. |
| Iyadoo dagaallo qaraar ay ka soconayaan qeybo kamid ah gobolka Sh/hoose ayaa hadane goor dhaweyd waxaa uu dagaal adag oo madaafiic la is weydaarsanayo ka qarxay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somaliya. |
| WAR DEG DEG AH:Faah faahin ku aadan dagaal ka socda Leego,iyo Xoogaga hubeysan oo dhinacyo kala duwan oo saf dheer ugu jira kolonyada Itoobiyaanka iyo ciidanka dawladda. |
| Waxaa soo baxaya faah faahin dheeraad ah oo ku aadan dagaal iminka ka socda deegaanka Tabeyle Madax Madow ee ku dhaw deegaanka Leego halkaasi oo ay isku soo foodsaareen xoogaga hubeysan iyo ciidankii Itoobiya kusoo tababartay iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya. |
| Howlgallo baaxad leh oo ay ka qeybgalayaan ciidankii lagu soo tababaray dalka Itoobiya oo laga cabsi qabo in lagu sameeyo suuqa weyn ee Bakaaraha. |
Iyadoo ay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen qeybaha kala duwan ee ciidanka howlgallo baaxad leh oo laga bilaabay degmooyinka qaarkood ayaa waxaa soo baxaya warar ku aadan in ciidamada Itoobiya kusoo tababartay ay ka qeyb qaadan doonaan howlgal weyn oo lagu baarayo Suuqa Bakaaraha.
|
| Sheekh Aweys,Ina Caydiid,Zakariye Xaaji iyo xubnaha kale ee Asmara oo ku fekersan aayahooda danbe ee siyaasadeed markii looga libin helay is qab qabsigii Isbaheysiga Dib U Xoreynta. |
| Saxaafadda dalka Eritrea ayaa isha kaliya ku heysa xubnaha garabka Asmara ku haray ee Isbaheysiga Xoreynta kuwaasi oo ay haatan muuqato waa in uu ku dilaacay markii looga libin helay is qab qabsigii Isbaheysiga lana fashiliyay isku dayadooda ay kulamada isugu yeerayeen xubnaha dalka Eritrea. |
| Ciidamadii dhawaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya oo galabta dagaal adag ku galay deegaanka Leego,xilli ay kasoo lugeynayeen Xerada Daynuunaay. |
| Markii 3aad ayay Ciidanka Itoobiya dhawaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya galeen dagaal xoog badan oo ay kusoo qaaden xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda,kadib markii galabta dagaal adag uu ku qabsaday agagaarka Leego ee gobolka Sh/Hoose. |
| Askari Itoobiyaan ah oo fara cidi leh kaga badbaaday qarax bam iyo tacshiirad goor dhaweyd ka dhacday Hotel Towfiiq. |
| Mid kamid ah Milatariga Itoobiya ee ku sugan Isgoyska Hotel Towfiiq ee degmada Yaaqshid ayaa fara cidi leh kaga badbaday goor dhaweyd qarax bam iyo tacshiirad lagu khaarijin laha iyadoona Milatariga Itoobiya ay haatan howlgallo wadaan deegaanada ku teedsan Hotelka Towfiiq. |
| Odayaasha dhaqanka Hiiraan iyo Saraakiisha Milatariga Itoobiya ee Janta Kundishe Maxay kuwada hadleen? |
| Waxaa soo dhamaaday kulan xasaasi ah oo maanta buurta Janta Kundishe odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Milatariga dalka Itoobiya iyadoona kulankaasi la iskula jilba murxay kadib markii odayaasha lagu eedeeyay in ay heshiis hoose la galeen xoogaga Maxaakimta Islaamka Somaliyeed. |
| Golaha Midnimada iyo Dhaqanka Hawiye oo warsaxaafadeed kasoo saaray dhibaatooyinka Gobolka Hiiraan. |
WARSAXAAFADEED
Shir ay isugu yimaadeen Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye waxa ay kaga hadleen dhibaatada ka jirta qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, waxa ayna soo saareen Qodobadan:- |
| Weerar Hoobiyeyaal ah oo caawa lagu qaaday Warshadda Baastada oo ay degan yihiin Ciidamada Itoobiyaanka,madaafiic jawaab ah oo aan la maqal. |
| Weerar madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa caawa lagu qaaday xarunta warshadda Baastada ee Ciidamada Itoobiyaanku degan yihin halkaasi oo dhowr madfac lagu weeraray sida ay sheegeen dadka deegaanka. |
| Sheekh Shariif oo shaaciyay in lasoo afjaray Khilaafki Maaxakimta Islaamka,iyadoona Saxaafadda wajigii shirku lahaa laga qariyay. |
Gudoomiyaha Isbaheysiga Xoreynta dalka ahna madaxa Midowga Maxaakimta Islaamka Somaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaciyay in lasoo afjaray khilaafki ka dhexeeyay xubnaha Maxaakimta Islaamka ee ku shirsanaa magaalada Cadan ee dalka Yemen,kuwaasi oo isku diidanaa arrinta ku aadan heshiiska Jabuuti.
|
|
  


  | name |  |
 | Login |  |
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
| |

  | Users Online |  |
Guests Online: 97
No Members Online
Registered Members: 328
Unactivated Members: 0
Newest Member: sancani
| |
|