MarkaCadey.Net Bogga Tacsi

QOMIYADA REER BANADIR WAXAA KA GEERIYOODAY MANTA 25/09/2006 DA  RUGCADAA SIYAASI HAJI OMAR HAJI ALI MOHAMED SHOBLE AL- MAQSUMI.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Allah ha u naxaristo wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu firircoonsan marwalba Hayganka u aha in horseed u noqdaan u adeegida Qormiyadooda, waxaa suurtowdaa in laga war hayniin, madama usan jiriin wax qoraal ah oo laga akhrisankaro taariikhda  halgankagobanimadoonka iyo cidii wax ka geysatay, hasa yeeshee, nasiib wanaag waxaa la dafirikariin qoraladii dowladihii gumeysiga iyo Qaramada midobay (ONU) ay qoreen, amma sheekada wixi laga maqlay ee gobjooga loo ahaa , ayaa ku filaan  marqaati in ay safka hore ugu jireen dhalinyarada Qomiyada reer Banadir halganka gobanimadoonka Somliyeed ee manta daba cashirka ku caweyay.

Labada xisbi HYC iyo SYL hogaanka u haayay dhalinyaro reer Banadir gacan saar xoogna lahayeen, siyaasad ama meel ka soo wada jeedeen ujeeddadoodana ahay in Somalia gaarto gobanimo dhab ah maqaar saar ahayn .

1949kii Qaramada Mdoobay ( ONU ) markii laga dooday Guddi loo xilsaaray in ay soo dhegeystaan siyaasiyiinta Somaliyeed sida ay wax u rabaan , labada Urur HYC iyo SYL  hal aragti ayeey ku midoobayn war bixintii gudbiyay Guddigaas waxaa ka mid ahaa  : -

“ Xisbiga HYC iyo SYL  wakiiladooda waxay cambaareyeen hishiski dax- maray BEVIN iyo SFORZA , waxay warsadeen gobonimo dag dag ah .

Waxay sheegeen inay ogolaan karaan Wasayadda Qaramada Midoobe ee mudadiisa gaabantahay , hasa yeeshee waxay diideen xukun shisheeye gaar ahaan  maamul Talyaani .

(eeg year book of the United Nations 1948–1949, pp 249 – 268 ) .

Waa marqaati ma doonto in Marxuum Haji Omar Haji Ali u hibeyaay noolashisa la dagaalanka gumaysiga iyo u adeegida Dalkiisa iyo dadkiisa.

Allah ha u naxariistee dhallinyara-nimadiisa wuxuu la soo ifbaxay siyaasad xambaarsaan gobanimadoon , wuxuuna ka furay Dagmadda Wanlaweyn iyo tuulooyinka ku hareersan xafiiska siyaasada SYL asaga caynaanka hogaanka u haayay si Ummadda Somaliyeed u hanoto gobanimo , wwuxuu la soo ifbaxay aftahan-nimo leh aragti falsafadeed duluc dheer , sifooyinkasina wuxuu u adeegsaday inuu Ummadda Somaliyeed ku buraarujiyo la dagaala gumeysiga Talyaaniga iyo dabadhilifyadiisa ee Dagmada Wanlaweyn iyo tulooyinka ku hareersan .

Laga bilabo dhallinyaranimadiisa wuxuu ahaa halgame u dhiiifoon taakuleynta dadkiisa iyo Dalkiisa iyo dib u soo celinta xuquuqda laga dafiray Qomiyada reer Banadir iyo kor u qaadida sumcada midnimadooda , waxaa marqaati madoonto u ah in uu gob-joog u ahaa Shirwaynahii 2aad Qomiyada reer Banadir ee  Nederland - Rottterdam  14 – 16 Setember 2002 da.

Allah ha u naxariistee wuxuu ka jeediyaay qudbaad  ka ilmaysay marti sharaftii iyo shirwaynaha  markuu ka hadlaayay halgaankii Qomiyadda reer Banadir ku xaqiijiyeen gobanimadoonka iyo dhibaatadii u geystay gumeesiga Talyaaniga …. Nasib daro wuxuu ku tilmaamay gushii u soo hoyotay Humada Somaliyeed  iney dad wax magaraad ah manta cagta mariyeen ….. wuxuu kula dar daarmay Shirwaynaha 2aad in halgankooda marnaba ha kiniin , dhallinyaradana la yimaadaan dadaal mug leh  sidii u badbaadin lahayeen Qomiyadda reer Banadir ….. mantana  waa in qaybtiina ka qaadataan cajaladda taariikhda halganka hada aan isu jihaynay ee gumaysi diidka cusuub sokeye ee go'aansaday in uu tir tiro isirkeyna taariikk dhaqameedka iyo khursiga nagula haayo …. Wa in dhallinteyna u jihayno wax barasho … kana fogaano caadifada midib kala sooca … waa in laga digtoonado labtana lagu haaya in guusha lagu soo hoyikaro reer Banadir oo mid ah...  Nadii Firdowse Allah ha ka waraabiyo.                                                                   

Allah ha u naxariistee Halgame Haji Omar wuxuu ka furia Dagmadda Wanlawayn Xisbiga S.A.N.U. Marso 1969kii xiligii lagu tartamayaay doorashadii xildhibanada Somaliya , wuxuuna noqday xildhibaanki ugu horeyaay guul u soo hoyiyo Qomiyada Reer Banadir .

Xiligii Kacanka Octobar 1969kii wuxuu ka mid noqday ganacsatada Somaliyeed , asagoo abaabulay Shirkada Al- Firdowsa ee xaruunteda ahayd Dagmadda Singan .

Allah ha u naxariiste Haji Omar Haji Ali oo door wayn ku laha dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo hogaankii lagu xureyaay Somalia wuxuu ka mid noqday odiyaashi isku mashquuliyaay in dib loo soo nooleeyo urur siyaasadeed u gaarka u ahaa Qomiyada Reer Banaadir, lana qabto Shirwayne Dimoqradhi si looga samata baxo musibada soo wajahday Qowmiyadeena 1991da , oo ay ka soo qaybgaleen culamaudiinka – indheergaratada – siyaasiyinta – waya aragga iyo dhalinyarada reer Banadir ugu fir fircoon , ayagoo aan cabsi gelinin  khatarta ay ku sugnayeen , waxay guddonsadeen  in reer Banadir si madax banaani ah uga tashadaan khdka  masiirka siyaasadeed ee Qowmiyadooda.

 

Kulankaasi waxaa lagu ansaxiyay Ururka “ SNU “ lana dortay Golihii dhexe ee Ururka oo awood loo siyaay magac bixinta iyo dajinta xeerka iyo barnaamijka Ururka uu ku shaqaynayo marxaladaasi murug cileedka soo wajahday Qomiyada reer Banaadir.

 

Shirwaynaha wuxuu guddoonsaday in loo diro ergo shirkii dib heshiisinta Soomaaliyeed ee DJabuti 1991.

 

Janadii Firdowse Allah ha ka waraabiye Haji Omar Haji Ali wuxuu xubin ka ahaa wafdigii uu hogaaminayay Alle ha u naxaristee Avv Mohamed Raajis oo USC u diiday in ay ka dhofaan Garoonkii Caalamiga ee Xamar si ay ugu qayb galaan Shirkii 1aad ee musalaxada Somaliyeed Jabuti ayadoo sabab loga dhigay in reer Banadir hubaysneen  

Wafdiga reer Banadir wuxuu ka koobna:

 

1.Avv .Mohamed Raajis Mohamed  Guddoomiyaha SNU

2.Halgame Sharif Mohamed Hussen ZENO ,

3.Dr. Moxamed Ali Nur K/m 13kii aasasayaasha SYL

4.Dr. Abdulkadir Ali Bollay

5.Halgame Xaaji Cumar Xaaji Cali

 

Ayagoo aan ka niyaad jabiin hardamadaa siyaasadda UCS ku tala gashay in ay hor istaagto khdka siyaasadeed Reer Banadir , ayaa ka mid noqday Haji Omar wafdigii uu hogaaminayaay Alla ha u naxariiste Avv Mohamed Rajis Mohamed Guddoomiyaha SNU Shirkii dib u hishiisinta Somaliyeed ee Magaladda Adisebeba Itobiya 1993dii , durbadiba waxaa laysku dayaay in laga hor istago .

 

Wafdigii Hogaminayaay Avv. Mohamed Raajis ka dib markii Col. Abdullahi Yuusuf uu ku dhawaaqay in SNU yahay Urur wayn mudo horay Wadanka Somaliya ka jiray lana mid ah SYL hadii Shirka laga qayb galiniin in Ururkiisa SSDF Shirka ka bixidoonaan , Wafdiga SNU waxaana lagu soo dhaweyaay  sacab aan kala go'lahayn.

 

Markii laga soo eryeey beesha reer Shingaani dagaankooda 19 .01.1992dii, Haji Omar Haji Ali wuxuu ula qaxay beeshiisa dagmada Cadale (Somalia) xaybtaas oo looga gol lahaa im maatida markab laga saaro ,kuna sugnayeen 40 malmood , wuxuuna go'aansaday in uusan ka naf jeclaysan beshiisa asagoo awood dhaqaale iyo xushmadeedba lahaa in uu kiresto dayuurad si dibadda ugu dhoofo.

 

Allah Mahadiis Markabkii siday maatada besha Shingaani baroosinka wuxuu dhigtay Dagada Mukallah Yemen 07.03.1992  rafaad - silic iyo haraad ka dib .

 

Maxxuumka asagoo ku mintidayo halgankiisa da'na soo wajahday ayaa laji siyasadeed ugu deeqday Wadanka Swizerland magalada Zurich , waxaa uu madax u noqday Jalliyadda Reer Banadir ee Wadankaas ku nool , isla markiina waxaa loo dortay Guddoomiyaha Somaliyeed ee Zurich oo ku sugnaa malmihii ugu danbeyaay nolashiisa.

 

Alla ha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka Zurich xanuun frabadan ka dib 25.09.2006, waxaana la aasi doona malinta Arbacada 27.09.2006 .

 

 

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

 

QOMIYADA reer BANADIR ALLAH HA KA SABRISIYO. MARXUUMKANA JANADIISA FIRDOWSE  ALLAH HA UGU DEEQO

 

WALLAHUL MUWAFIIQ 

Wal . Sayidali Sharif   

 

Hit Counters

Mail Markacadey Contact us at: info@markacadey.net

Copyright © 2006 MarkaCadey.Net